Xildhibaanada Galmudug oo waqti kooban u qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kulan aan caadi ahayn waxa aya Ku yeesheen magaalada Dhuusa-mareeb iyaga oo kaga dooday mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Kulanka oo si wadajir ah ay u Shir gudoominayeen gudoomiye Ku xigeenka koowaad iyo labaad waxaa soo xaadiray xildhibaano gaaraya 84-mudane iyaga oo eedaymo waaweyn u jeedigay Gudoomiyaha,waxaana ay ugu baaqeen in 10-cisho gudahood uu Ku hot yimaado golaha kana jawaabo eedeymaha look haysto.

Gudoomiyaha  Baarlamaaka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxa uu Ku suganyahay Magaalada Muqdisho halkaas oo uu shalay kula hadlay Warbaahinta isaga oo cadeeyay in aysan sharci ahayn xildhibaanada mooshinka ka keenay