Tuugo raashin ku cunayay kaloorad dahab ah oo goysa $7 Malyan

Koox tuugo ah oo xadday kaloorad ka sameysan dahab iyo dheeman oo ay lahaayeen qoys horay u ahaa boqortooyo ayaa u isticmaalayay iney raashinka ku cunaan, sida ay sheegeen booliska Hindiya.

Kalooradda oo la xaday usbuucii la soo dhaafay ayaa dib looga soo celiyay tuugadaas waxaana sidoo kale lala soo qabtay bakeeri dahab ah, seesar iyo qaaddo.

Labo nin oo ka soo jeedda magaalada Koonfureed ee Hyderabad ayaa loo xiray arrintaan.

Alaabtaan ka sameysan dahabka iyo dheemanka oo qiimahoodu dhanyahay $7 malyan ayuu mar lahaan jiray Mir Osman Ali Khan, oo ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee Hyderabad, kaasoo mar ahaan jiray ninka ugu maal-qabeensan adduunka.

Booliska ayaa laga soo xigtay in labada nin ay u baxsadeen dhinaca magaalada galbeedka ku taalla ee Mumbai, iyagoo rajo ka qabay iney helaan qof ka iibsada alaabta qaaliga ah ee ay soo xadeen, waxayna dhowr maalmoodna la seexdeen hotel casri ah.

Hase ahaatee ma aysan helin qof ka iibsada waxayna ku laabteen magaalada Hyderabad, halkaasoo lagu qabtay, ka dib markii baaritaan aad u ballaaran la sameeyay.

Saraakiisha ayay markii hore ku adkaatay iney aqoonsadaan tuugada dhaca geysatay, maadaama ay iska damiyeen dhammaan 32-dii kaamiro ee ku xirnaa qasriga Nizam.

Balse kaamiro kale oo ku xirneyd meel u dhow qasriga ayaa qabatay ragaas oo ahaa labo nin oo mooto watay.

Booliska ayaa sheegay iney maalmo yar ka dib heleen mootadii ay isticmaalayeen tuugada ayna taasi ka caawisay iney aqoonsadaan.

Alaabta dib loo soo helay ayaa lagu wareejin doonaa matxafka Nizam oo shacabka loo furay sannadkii 2000.

Matxafkaas ayay ku keydsan yihiin hadiyado fara badan oo boqor Mir Osman Ali Khan la siiyay sannadkii 1937-kii.

Khan ayaa soo xukumay gobolkaas oo xilligaas ahaa kan ugu weynaa dalka India.

Waxa uu geeriyooday sannadkii 1987-kii.

Hantidiisa waxaa ka mid ahaa dheeman aad qaali u ah oo le’ekaa cabbirka ukunta – waxaana uu lahaa dahab kale oo fara badan.