Tijaabi jaceylkaaga guurka ka hor !

Nin u dhashay dalka Australia ayaa tijaabo lala yaabay ka qaaday gabadha uu jeclaay asiga oo hadiyad uga dhigay katiinad koorkeeda uu yahay alwaax yar oo qaabka ugunta oo kale loo qoray, wuxuuna ka dalbaday in ay xirato , gabadha oo aan wax su’aal ah ka keenin arinkaas ayaa xiratay katiinadii alwaaxa ka sameysneed.

Muddo hal sano ah ayay xirneed gabadhaas katiinada la yaabka leh ee saaxiibkeed uu u soo hadiyadeeyay, waxaana dadka ku dhow dhow gabadha ee asxaabteeda ama qoyskeeda ay kala kulmeeysay diidmo ku aadan arintaas oo ah in saaxiibkeed uu ka dhigtay dheel dheel iyo in uu ka dhigay sidii qof wax ma garato ah, oo xiligan la horu maray uu u xiray koor sidii reer miyiga oo kale, weliba marka loo eego dalka ay ku nooshahay ee Australia.

lakin sheekada la yaabkeeda waxa ay dhacday marki saaxiibkeed uu u soo bandhigay  inuu guursado ayaa wuxuu ka dalbaday koorkii uu sanad ka hor siiyay in ay keento.

gabadhi ayaa si dhib yari ah qoorteeda uga soo furtay oo u dhiibtay saxiibkeed, waxaana meesha ka soo baxay arin la yaab leh.

saxiibkeed ayaa waxa uu dhexda ku dhiftay koorkii katiinka oo uu kala jebiyay, waxaana ka soo dhex baxay faraantigii guurka oo uu lama filaan uga dhigay gabdhii jeceylkiisa aheed.

gabadhii oo faraxsan ayaa xiratay far gashigii waxayna ku guuleysaty imtixaankii adkaa ee uu ka qaaday saaxiibkeed.

Aqristow:

Maxaad ku Imtixaani laheyd saxiibtaada?

Ma is leedahay waa ay ku guuley saneysaa?

ilonews.nethttps://ilonews.net