Soomaaliya oo kaalinta 6aad ka timid dalalka ugu farxadda badan Afrika.

Iyada oo 20-ka bishan Maarso ay ku asteysan tahay maalinta caalamiga ah ee farxadda adduunka ayaa Soomaaliya waxay kaalinta 6aad ka timid dalalka ugu farxadda badan qaaradda Afrika .

Warbixin ay soo saartay shabakadda Sustainable Development Solutions Network ee hoostagta QM ayaa lagu tilmaamay dalalka ugu farxadda badan qaaradda iyada oo laga qiimeynayay daqliga, xurriyadda, taageerada xagga bulshadda, deeqsinimada iyo nolosha dadka.

Iyada oo la eegayo dhinacyadaasi, Soomaaliya waxay noqotay dalka 6aad ee ugu farxadda badan qaaradda Afrika. Dalka Mauritius ayaa yimid kaalinta ugu horreysa farxadda qaaradda.

Dalalka kale ee qaaradda ee ugu horreeya farxadda waxaa kamid ah Algeria, Morocco, Nigeria iyo Cameron. Dalka Brundi wuxuu noqday dalka ugu liita xagga farxadda qaaradda.

Caalamka oo dhan, Finland ayaa ugu horreysa farxadda, waxaa qaatay kaalmaha kale dalalka Norway, Denmark, Iceland, Switzerland, Netherlands, Canada, New Zealand, Sweden iyo Australia.