Sidee ayay uga hadashay warbaahinta dalka Qatar booqashada MD farmaajo

Warbaahinta dalka Qatar ayaa aad u soo dhaweysay booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Maxamed cabdulaahi Farmaajo, uu ku tagay dalka Qatar oo muddo sanad ku dhow ay go’doomiyeen sedex dal oo dhaca khaliijka(sacuudiga, UAE , Baxreyn) iyo dalka Masar.

Soomaaliya oo arintaas ka qaadatay go’aan dhex dhexaad ah kuna baaqday wada hadal in lagu dhameeyo xiisada khaliijka, ayuu go’aankaasi  u soo hooyay colaadin iyo weerar dhanka warbaahinta iyo dhaqaalaha ah oo dalka Imaaratka uu ku soo abaaray jamhuuriyada soomaaliya oo ah dal u madax banaan go’aankiisa iyo taladiisa.

Warbaahinta dalka Qatar oo ka fal celineysa umuurtaas muddana isha ku heeysay go’aanka soomaaliya ayaa waxa ay aad u soo dhaweysay booqashada madaxweynaha dalka uu ku tagay dalkooda.

Wakaalada wararka ee dalka Qatar – QNA 

Ugu horeyn wakaalada wararka dalka Qatar ee loo soo gaabiyo QNA ee ayaa fariin gaaban oo ay la wadaagtay warbaahinta dalkaasi ku cadeeysay booqashada Madaxweynaha Farmaajo iyo wafdiga soo dhaweeyay ee dhanka dalka Qatar, waxana hor kacayay wasiirka isgaarsiinta iyo socdaalka dalkaas Jaasim Bin Seyf, iyo Safiirka dalka Qatar soomaaliya u fadhiya Amb. Xamza Bin Xasan, Sidoo kale waxaa MD soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Sii hayaha Safaarada Soomaaliya ee Doha Mukhataar cali yuusuf.

Wargeeyska Al- Raaya

Wargeeyska Al- raaya oo ka mid ah wargeeysyada ugu weyn dalkaasi ayaa ku daabacay mareegtooda warbixin ay ka soo xigteen QNA oo cinwaan looga dhiagay ” Xiriirka Qatar iyo Soomaaliya waa taariikhi, waana guuleystay dhan kasta “

Warbixinta ayaa lagu qaada dhigay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo fursadaha labada dal ay si dhaafsan karaan oo ay ka mdi tahay sida ay hadalka u dhigeen, In badeecadaha soomaalida loo furo suuqyada Qatar.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu xusay in dalka Qatar uu Soomaliya ka caawin doono dhinacayada Aminiga iyo horumarinta iyo dhismaha Hay’daha dastuuriga ee dalak.

Waxaana xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ay kulan ballaaran ay ka yeelan doonaan arimaha gobolka iyo marinka badda cas sida uu xusay wargeyska al-raya.

Wargeyska ayaa sidoo kale dib u xusay mashaariicdii ay dowlada Qatar horay u ballan qaaday in ay ka fulineyso dalka.

Shabakada alkhaleejonline.net

Alkhaleej online oo ah shabakad laga leeyahay dalka Qatar, fadhigeeduna uu yahay London, ayaa waxay boggeeda hore ku soo bandhigtay warbixin ay cinwaan uga dhigtay “MD Soomaaliya oo booqanaya Qatar markii ugu horeysay go’doominta ka dib”

Shabakada waxay warbixintaas uga hadashay go’aanka dhex dhexaadnimo oo ay dowlada soomaaliya ka qaadatay xiisadii khaliijka, ayadoo xiisado maalmo ka hor uu MD farmaajo kula kulmay Doha Amiir Tamiim, Dabyaaqadii bishii may ee sandkii hore.

shabakada sidoo kale waxa ay soo hadal qaaday xiisada murugsan ee xiriirka soomaaliya iyo Imaaraatka iyo dhacdadii diyaarada lacagta waday ee lagu qabtay garoonka aadan cadde, sidoo kale waxa ay sheegeen in booqashada MD farmaajo ay imaneyso xilli saameynta xiisada khaliijka ay ku sii fideyso geeska afrika, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Shabakada thenewkhalij.org

Shabakadan oo lag leeyahay dalka Qatar ayaa aad ugu hadashay khilaafka Imaaraatka iyo Soomaaliya Iyo booqashada MD Farmaajo waxayna cinwaan uga dhigtay warbixin dheer oo ay umuurtaas ku faaqideyso “Ka dib Xiisadii UAE & Somalia… Madaxweynaha soomaaliya oo booqanaya Qatar si loo xoojiyo xiriirka labada dal” 

Warbixinta thenewkhalij ayaa aad uga hadashay xiisada Imaaraatka iyo Soomaaliya iyo heshiika Shirkada DP World ee Berbera iyo sidoo kale diyaaradii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde, iyo tallaabooyinkii xigay ee UAE ay uga baxeen qeybo ka mid ah dalka.

Isku soo wada duub warbaahinta dalka Qatar ayaa aad u bogaadisay booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay dalkaas, Waxayna u arkaan guul u soo hoyatay dalkooda oo la doonayay in laga jaro dalalka gobolka iyo dunida inteeda kale, waa sida ay hadalka u dhigeene.

MD farmaajo ayaa markii sedexaad la kulmi doona Amiir tamiim ka dib Kulan uu sandkii hore kula qaatay Doha iyo kulan xigay oo ay ku wada qaateen labada hogaamiye Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo ay uga qeyb galeen shirka iskaashiga wadamada Islaamka.