Saliid macsarada & caruurta (10) faaiido

Saliida macsarad ee laga sameeyo sisinta dabiiciga u baxda ayaa waxa ay leedahay faaiidooyin aan la soo koobi karin.

ayada oo dalkeena uu hodan ku yahay saliid macsarada ayaa hadane bulshadeena aysan ka faaiideysanin, oo waxaa ay isticmaalaan saliido laga soo dhoofiyo dalka dibadiisa oo la soo warshadeyay safar dheerna soo gala, iyada oo caafimaad ahaan aad looga deyriyay.

Hadaba Halkaan waxaan kuugu soo bandhigi doonnaa 10-ka waxtar ee saliid macsarda ay u leedahay caruurta yar yar.

 

1-waxa ay waxtar weyn u leedahay korinta iyo xoojinta lafaha caruurta  sababtoo ah sisinta waxayaabah ay ka kooban tahay waxaa ka mid ah maadooyinka kala ah (calcium)  iyo (Copper)  iyo sidoo kale ( zinc) oo aad loogu yaqaano kaalintiisa dhismaha lafaha.

2-waxa ay sidoo kale waxtar u leedahay saliid macsarada fayo dhowrka afka iyo ilkaha caruurta dhalaanka, maadooyinka ay ka koobantahy sisinta waxa ay la dagaalmaan bakteeriyada sababta suuska ilkaha ku dhaca.

3-sisinta waxa ay liddi ku tahay bakteeriyada si guud ahaan iyobakteeriyada  ku dhacda maqaarka iyo cuncunka.

4-saliida sisinta waxaa loo adeegsadaa in caruurta looga daweeyo hergabka ayada oo diraasaadka ay sheegayaan in 30 daqiiqo hurdada ka hor hadii la siiyo muddo 3 cisho ah ay ka ga bogsanayaan hergabka.

5-saliida sisinta waa saliida ugu fiican ee caruurta loogu daliigo jirka, hadaba hadii aad caruurta aad ugu daliigi jirtay kareem la soo warshadeeyay oo ka sameeysan kiimiko la isku dar daray, waxaad ogaataa in saliida sisinta ay kaaga filintahy arinkaas, dhalaankana ay u fiicanthay,Hadii caruurta ay dhibsanyan urta macsarada waxaad ugu dari kartaa udug si ay u bedelnto carafta saliida.

6-saliid macsarada waxa ay kaalin weyn ka qaadataa shaqada caloosha iyo dheebshiidka.

7-saliida sisinta waxa ay kaalin fiican ka qaadataa kobcinta iyo dhowrida maqaarka, cunsurka (zinc) ee ku jira sisinta ayaa waxa uu soo saaraa maadada la dhaho (Collagen) maadadan oo kaalinteedu ay tahay kobcinta maqaarka iyo cusbooneysiinta goobaha ay soo gaareen dhaawacyada iyo gubniinka.

8-macsarda waxa ay yareeysaa barasharka dhiiga iyo xanuunada ku imaan kara wadnaha ayada oo sisinta laga helo madooyinka (sesamol) oo ah cunsur aad u awood badan oo liddi ku ah xanuunada ku iman kara wadnaha iyo halbowlayaasha wadnaha taga.

9-sisinta waxa ay ka hor tag dabiici ah  u tahay cudurka sokorta, ayada oo kaalin fiican ka ciyaarta sidii mandhicirada ay u dhuuqi lahaayeen sokorta jirka soo gasha, sidoo kale saliida macsarada waxaa lagula tacaalaa dadka qaba cudurka sokorta,waxayna hoos u dhigtaa heerka sokorta ee jirka qofka qaba cudurka sokorta.

10-saliida sisinta waxa ay ka hor tag dabiici ah u tahay cadceeda  waxyeeleysa jirka gaar ahaan mida loo yaqaano (UV rays) aydoo diraasaadka qaar eey sheegayaan in ay ka hor tagi karto boqolkiiba soddon.