Saacada ugu fiican ee la cabo Coffee -ga subaxdii

Dad badan ayay caado u tahay in  ay qahweeyaan marka ay hurdada ka toosaan durbadiiba.

Hadaba diraasadaha cilmiga iyo khubarada caafimadka ayaa ka deyrinaayo arinkaas, waxa ayna ku talinayaan in loo kaadiyo xoogaa soo tooska ka dib.

Sababa?

Marka aad hurdada ka soo toosto )Hormone( lagu magacaabo (Cortisol) ee jirkaaga ku jira heerkiisa waxa uu noqonayaa mid aad u sareeya waxa uuna sidaas ahaanayaa qiyaastii muddo ku dhow 1 saac.

Hadaba halkaas saac gudahood marki aad cabto coffee waxaa dhacaya in (Caffeine) ku jira coffee-ga uu la fal galo )Hormone(lagu magacaabo (Cortisol) ee aan soo sheegnay, waana sababta keeneysa in uu qofka dareemo firfircooni iyo awood ku meel gaar ah, markii uu cabo coffee-ga xiliga uu soo tooso, lakin muddo kooban ka dib jirkiisa marka uu ka baxo (Caffeine) waxa uu dareemayaa caajis iyo gaabis ku yimaado jirka, waana tan keenta in qofka uu u baahdo koob labaad iyo mid sedexaad oo halkaas uu ka bilaawdo waxa loo yaqaano (Balwada-coffee-ga)

saacada ugu fiican  ee la cabi karo qahwada

Ogow xiliga ugu fiican ee aad si raaxo leh u cabi karto koobkaaga coffee-ga in uu yahay markaad hurdada ka toosto 2saac ka dib.

xiligaas oo jirkaaga uu yahay mid degan madada (Caffeine)ka ee ku jirta qahwada wax dhib ah u ma keeneeyso jirkaaga xiligaas.