Orodka subaxa hore….Maxaa ka run ah ?

Orodka subaxa hore la sameeyo ee loo yaqaano “rucleeys” ayaa waxa uu leeyahay ahmiyad gaar ah marka laga eego dhanka caafimaadka qofka.

Dad badan ayaa mar walba ku taamo in ay bilaabaan oradka subaxa hore hadana mar walba oo ay bilaabaan muddo yar ka dib waa y ka haraan, sababta ugu weyn ee ay uga haraan ayaa la ogaaday in ay tahay natiijadi ay ka filayeen oradka ee sida khaldan loogu sheegay oo ay ka waayeen.

Hadaba maxaa ka run ah orodka

-Orodka subaxa hore waxaa uu jirkaagu ka helayaa ) Oxygen( fara badan, kaas oo u wanaagsan caafimaadka.

-Waxa uu xoojiyaa oradka subaxa hore lafaha iyo murqaha waxa uuna ka hor tag u yahay lafa xanuunka iyo cudurka (Rheumatism)

-Sidoo kale Oradka aad sameeyso subaxa hore waxa uu hoos u dhigaa (Cholesterol) jirka ku jira.

-Hurdo fiican hadii aadan helin habeenkii, waxaad ku dadaashaa orodaka subaxa hore.

-Waxaa ku gubanaya oradka subaxa baruurta jirka hadii qofka ordaya uu yahahy qof cayilan.

Inahaas ayaa ugu muhiimsan waxyaabaha uu qofka deg dega u dareemayo hadii uu si joogta ah uu u rucleeyo subax kasta.

Oradka subaxa hore & khaladyo dadka qaar ay ku dhacaan

-Orodka hore ha ka bilaabin waxaad ka hor marisaa jimicsi yar oo fudud.

-Waxaad is ka ilaalisaa sidoo kale in aad xoog u orodo, waxyaabhaas oo dhan waxa ay dhibaato ku yhihiin murqahaaga.

-Orodka waa lagu caatoobaa ayay dadka qaar rumeysan yihiin, taasine sax ma ahan sababtoo ah, orod keliya laguma caatoobi karo, tusaale hadii aad cunno badan oo sokor iyo waxyaabaha cayilka keena aad cunto si joogta ah, oradka kuma caatobeeysid.

-Xanuun hadii aad dareento jooji oradka lana kaasho dhakhtarka, ha yareeysan waxaa laga yaabaa in uu dhiig fariisto lugaha ama dhabarka oo ay isku bedesho xanuun culus.

-Ugu dambeeynti ha joojin orodka hana ka caajisin, si joogta ah subax kasta u orod ugu yaraan 30 daqiiqo, si aad u hesho natiijoo fiican oo ku raali gelisa.