Ninkii hooyadiis ay ku dhashay Tuunjiga Musqusha [Sawirro]

Nin Korean ah oo lagu magacaabo Jadiko ayaa hooyadiis waxay ku dhashay Tuunjiga Musqusha lagu saxaroodo, kadib markii ay ku dhex foolatay suuliga.

Mr Jadiko, ayaa kusoo barbaaray xaafadda ay degenaayeen, laakiin waxaa lagu yaqanaa Mr Musqul, maadaama uu ku dhashay musqul dhexdeeda.

Shaqadiisa ayaa aheyd mid uu kusoo barbaaray hagaajinta Musqulaha ku yaala xaafada uu deganaa, sidoo kale wuxuu dhisi jiray musqulaha.

Mr Jadiko, ayaa u dhisay gurigiisa qaabka musqulaha oo kale, wuxuuna u ekeysiiyay musqushii uu ku dhashay.

Wuxuu musqul ka shaqeeyaba wuxuu dhintay isaga oo musqul sameynayo, waxayna noqotay arin cajiib ah, waxaana loogu magac daray Mr Musqul.