Maxkamad diiday inay dib u aqoonsato nin sannado lagu tiriyay dhimasho

Constantin Reliu, 63 is pictured at his place in the eastern town of Barlad, on March 16, 2018. A court rejected Reliu's request for the annulment of a death certificate which was issued in his name in 2016, according to a judgement seen on the court's website on March 16, 2018. The reason for the court's decision has not been confirmed, but according to Romanian media it was due to the deadline for changes to the certificate having passed. / AFP PHOTO / Adrian ARNAUTU (Photo credit should read ADRIAN ARNAUTU/AFP/Getty Images)

Constantin Reliu oo ah 63-jir ayaa ku guuldareystay dacwad uu maxkamad u gudbiyay oo uu kaga dalbanayay in la buriyo shahaadada dhimashadiisa oo soo baxday sanadkii 2003-dii.

Maxkamadda waxay diiday inuu nool yahay Constantin Reliu oo xaaskiisa Reliu ay dalbatay warqadda markii uu 10-sanno ka maqnaa Romania .

Mr Reliu oo ku maqnaa dalka Turkiga wax xiriir ma uusan la soo sameyn qoyskiisa, waana midda keentay in xaaskiisa ay maxkamad ka codsato warqadda cadeynaysa inuu dhintay.

Maxkamadda waxay tilmaamtay in mudada uu maqnaa ninka marka la eego in aan go’aanka dhimashada laga laaban Karin.

Constantin Reliu waxa uu Romania ka tagay sanadku markuu ahaa 1992-dii isaga oo shaqo-doon ah , waxaana uu jaray dhammaan xiriirka dalkiisa.

Sannado kadib ayuu laabtay laakiin waxa uu maanta wajahayaa caqabad weyn oo ah in aan loo aqoonsaneyn magaca uu wato islamarkaana loo diiwaan-geliyay qof dhintay.