Maxaan qabsan karaa 8:00 AM ka hor (Muhiim)

Marka la eego dunida dadkii ugu saameeynta  badnaay ee maal-qabeenada ama qorayaasha ama xitaa siyaasiinta iyo halgamayaasha, dhamaantood waxa ay ka mideysnaayeen hal sifo oo ay culimada kobcinta nafta ay ku tilmaamaan furaha guusha, sifadaas oo ah (Kalahaada).

Hadaba ayada oo kalahaadu ay tahay waxyaabaha gaar ahaan qofka muslimka aadka loogu dhiiiriyay oo suubanaha nnk uu yiri : [umadeyda waxaa alle u barakeeyay kalahaada] sidoo kale  nabiga xaaskiisa caaisha (eebe raali ha ka noqdee)  ayaa iyadana suubanaha (NNK) gadaashii umadda ku boorin jirtay in ay kalahaan.

8:00 AM ka hor

1-Hurdo kugu filan habeenki

waa inaad heshaa (7-8) saacadood si ay kuugu suuro gasho inaad xili hore soo toosto subaxdii.

2-Oogida salaada subax

Dhadhanka dhabta ah ee waaga cusub ee soo baxa waxa aad heleysaa marka aad salaada subax la tukatid jamaacada, ka dibna aad qadar kooban ku nagaatid masjidka si aad dikri iyo quraan aad uga bogatid inta ay nafta u baahan tahay subaxaas .

3-Sameey ciyaaro fudud (jimicsi)

jirkaagu wuxuu u baahan yahay ugu yaraan 30 daqiiqo oo rucleeys ah ama ciyaaro fudud in aad sameeyso, hadii xitaa aadan aadin gym ama jir-dhis waxaad sameyn kartaa laylis fudud 00 30 daqiiqo ah. waa muhiim in aad subaxa jimcisataa si aad u hesho maalin ay ku dheehan tahay firfircooni

4-Ku qubeyso biyo qaboob meel dhexe ah

Si uu caajiska uga baxo jirkaaga waa in aad heshaa qubeys biyo nadiif ah oo qaboob yar leh.

5-Quraac Caafimaad leh

Subixi waxaa muhiim ah in aad heshaa quraac caafimaad ahaan jirkaaga u fiican oo ka kooban cabitaan dabiici ah iyo qudaarta sida koostada iyo ansalatoni iwm ama beer fareesh ah sidoo kale waxaan laga maarmeynin malabka iyo mushaarida laga sameeyay dalaga dalkeena hadii la heli karo, kana fogow shaaha iyo coffee-ga 8:00AM ka hor.

6-Aqris ama Dhegeysi

waxaad isku daydaa in aad waqti yar oo kooban aad siiso naftaada si aad uga faaiideysato  in aad aqrisato buug ugu yaraan dhowr baal oo si joogta ah aad u aqriso aroor kasta.

Hadii aadan aheyn dadka aadka ugu firfircoon  aqriska waxaad sameyn kartaa in aad dhegeysto maado ama muxaadaro ka kooban ugu badnaan 20 daqiiqo ama waxaad daawan kartaa barnaamij yar oo 20 daqiiqo ah, oo si joogta ah aad u wado.

7-Dib u milicso yoolkaaga

Inta aadan shaqada ama waxbarashda aadin waqti yar ka hor waxaad dib u milicsataa buuga yoolkaga uu kuugu qoran yahay, hadii aadan la heyn waa muhiim in aad yeelataa, subax kasta dib u eeg wax ka bedel, waxna ku dar, muddo ka dib waxaad ogaan doontaa hadii yoolkaga aadan qori laheen o aadan la noolaan laheeyn in uusan xaqiiqo noqon laheen.

8- Isku diyaari maalin cusub

Maalin kasta oo uu ilaahay nasiiyo waa qeyb ka ka mid ah cimrigeena oo naga hareysa, hadaba isku day maalinkaaga in aad uga faaideysato si wacan.

inta aadan guriga ka bixin dib u eeg qorshahaaga maalin laha ah, iska hubi in aadan waxba ku ilaabin guriga, sagooti qoyska aad ka tageyso, adkaar uga bax guriga, ka dibna salaan u qeybi deriska iyo socotoda inta aad sii socoto.

Maalin wanaagsan Aqriste.