Maxaa looga Aamusay Carruurtii lagu laalay Yaman?

epa04654871 Houthi militiamen, wearing security uniform, man a checkpoint in Sana’a, Yemen, 09 March 2015. Reports state Houthi militiamen tightened security measures in the Houthi-controlled capital of Sana’a, a day after Yemeni Defence Minister Major General Mahmoud al-Subaihi fled the Houthi rebel-held capital and arrived in the southern port city of Aden on 08 March. EPA/YAHYA ARHAB

Muddo haatan bil laga jooga ayaa duqeyn dhanka cirka ah oo isbahaysiga uu Sucuudiga hooggamiyo la beegsaday bas siday carruur ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 29 cannug, waxaana arrintaasi ka dhashay cambaareyn caalami ah.

Isbahaysigani oo dowladda Yaman ku taageeraya dagaalka ay kula jirta fallaagada Xuutiyiinta ayaa qirtay in uu “khalad” ka dhacay waxa uuna ballan qadaay in la “ciqaabayo” dadkii lahaa mas’uuliyadda weerarkaasi.

Quwadaha reer galbeedka ayaa dalbaday in isbahaysigani uu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo badqabka dadka rayidka ah.

Balse qoyasaska carruurtooda lagu laayay weerarkaasi ayaa wali dareemaya xanuunka uu weerarkaasi ku reebay.

Waxay ay ahayd xilli aroor ah oo aysan wali soo bixin cadceedda, 9-ka bisha Agoosto, markii Dr Cali Al-Taa’ifi uu ka soo baxay qolka qalliinka ee isbitalka Al-Talh oo ku yaal magaalada Sacda ee fallaagadu ay ka taliso.

Dhakhtarkan oo ku takhasusay qalliinka madaxa ayaa isu diyaarinayay in uu gurigiisa aado maadaama uu habeenki oo dhan uu shaqeynayay.

Suuq ku yaal magalaada Dahyan 22 20km woqooyiga ka xiga ayaa ganacsatadu waxa ay u soo diyaar garoobeen shaqadooda caadiga ahi