Maxaa keenay in la fasaxo Xildhibaanada Baarlamaanka [CADEYN]

[U gaar ah ILO News]

Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Maxamed Mursal Cabdirixmaan ayaa ku dhawaaqay in la xiray kulamada Baarlamaanka, si Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u cibaadeystaan.

Fasaxan uu shaaciyay Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood waxey u sababeen mid loogu daneenayo Wasaarada Cadaallada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedka fasaxan ayaa lagu tilmaamay si aan su’aallo ku aadan arimaha Adeega Garsoorka loo weydiin Wasiirka Cadaallada ee Xukuumadda Soomaaliya, sida ay qabaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Wasiirkii hore ee Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Cabdirisaaq Maxamed ayaa waxuu sheegay in fasaxa ka hor ay arimo badan horyaallaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Mudane Cabdirisaaq Maxamed ayaa waxuu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay doonayeen in uu horyimaado Wasiirka Cadaallada ee Xukuumadda Soomaaliya, si wax looga weydiiyo Arimaha Adeega Garsoorka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in Wasiirka la doonayay in su’aallo laga weydiiyay habraaca loo maray xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka islamarkaana la magacaabay mid cusub.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in ay muuqato in ay isku dhex milmeyn Hay’addahii loo baahnaa in ay Madaxbanaanaadaan.

“Sida ay hadda wax ku socdaan xaqiiqdii waa mid dhaawaceysa Dowladnimada aanu raadineyno”, sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdirisaaq.

Dhinaca kale, Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa go’aan qaldan ku sifeeyay xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka.

Waxuu Xildhibaan Cosoble sheegay in Madaxweynaha Soomaaliye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahnaa in uu xil ka qaadistaasi u cuskado qodobo ka mid ah Dastuurka, balse ma aanu soo cuskan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa muuqata in buuq iyo feker kala duwanaasho uu ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa ah kuwa ka soo horjeeda habraaca loo maray xilka qaadistaas, waxaana ay sheegeen in ay tahay mid lagu jabiyay dastuurka Dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayee aheyd markii Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxtooyada lagu sheegay in xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee Dalka, islamarkaana lagu magacaabay Guddoomiye kale oo cusub.

Hoos ka akhriso Qoraalka Golaha Garsoorka