BBC Somali

Maxaa hor taagan dhismaha ciidan Soomaaliyeed?

Baraha bulshada iyo doodaha ugu weyn ee hadal haynta dadku u badnayd ayaa ah hadal uu kornayl ka tirsan askarta Uganda ee qaybta ka ah AMISOM u sheegay wargayska Foreign Policy, isagoo yiri “Soomaaliya waa sidii doofaar la dhaqayo oo kale, waad dhaqaysaa misna wuu wasakhoobayaa”.

Hadalkaas wuxuu qayb ka ahaa qormo dheer oo faaqidaad ah oo wargaysku uu ku lafa guray arrimaha amniga ee Soomaaliya, isagoo sarkaalka Uganda u dhashay uga gol lahaa in amniga Soomaaliya ay culays weyn ku qabaan.

Soomaaliya oo mar ka mid ahayd dalalka Afrika ugu cududda weyn dhanka militariga ayuu wargaysku sheegay in maanta uu ciidankoodu dunsan yahay.

Sababaha ugu waaweyn ayuu wax ka saaray faragelinta dibadda iyo dalalka lacagaha bixiya oo mid kasta uu qorshe gooni ah wato, is diiddanaanta siyaasadaha qaar ka mid ah dalalkaas, iyo Soomaalida oo iyaga qudhooda ay far ku godan tahay.

Foreign Policy wuxuu soo xigtay afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga oo ka hadlaya arrin kale oo muujisay in shisheeyuhu aysan aaminsanayn Soomaalida “shaki iigama jiro in Al Shabaab ay ku dhex milmeen xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay noqdeen laba kaarleyaal” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan oo wargayska u warramayey.

Shakigaas waxaa sii xoojiyey la taliye ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga oo wargayska u sheegay in “ay tahay sir furan (cid kasta ogtahay) in xubnaha xukuumadda, iyo xataa xubnaha beesha caalamka ay kiraystaan Al Shabaab, si ay u dilaan ama u cabsi galiyaan qolyaha uu xafiiltanku kala dhaxeeyo”.

Wuxuuna wargaysku ku soo gabagabeeyey qormadiisa oo dheer la taliyaha oo leh “halkan, ciidan waad ka iibsan kartaa. Si jamac ah, haddii aan nahay beesha caalamka, waxaan muddo sanooyin ah taageeraynay shabakad dambiilayaal ah”.

Qoraalka wargayska ayaa ku soo aaday ayadoo bishan gudaheeda uu golaha amaanka ee Qaramada Midoobay cusboonaysiiyey hawsha AMISOM ee Soomaaliya, ilaa iyo bisha Maajo 2019.

Ilaa iyo inta la ogyahay, Maraykanku wuxuu bixiyey $900 Malyan oo ah kaalmo laba geesood ah oo uu toos u siiyey AMISOM, waxaana intaa dheer $720 Malyan oo la soo mariyey xafiiska Qaramada Midoobay ee qaabilsan taageerada AMISOM.

Dhanka kale, walow uu Jarmalku joojiyey taageeradii xagga tababarka, misna midowga Yurub wuxuu bil kasta ku taageeri jiray AMISOM $23 Malyan ilaa 2016kii, ayagoo sannadkiina $35 Malyan ku bixinayey tababarro.

Haddaba Sababaha uu u dhismi la’ yahay ciidan Soomaaliyeed oo waxtar leh ayaan hordhignay Jeneraal Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ka mid ahaa saraakiishii ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, lana soo shaqeeyey qaar ka mid ah dawladihii dalka ka jiray burburkii ka dib. Laba sababood ayuu u aanaynayaa.

– Siyaasadda xagga ciidamada ee Soomaaliya oo aan qeexnayn.

– Dunida oo aan daacad ka ahayn in uu dhismo ciidan awood leh oo Soomaaliyeed.

Jeneraalku wuxuu aad uga niyadxun yahay in “adduun weynaha iyo gobolka aysan diyaar u ahayn in Soomaaliya ay yeelato ciidan waxtar leh”.

“Mashruuc baa nagu socda. Xataa Turkiga oo ah saaxibka ugu fiican ee aan leenahay, looma ogola inuu wax nala qabto” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu inta ku daray in Soomaalida qudheeda ay eedda wax ku leeyihiin oo ay kala qayb-qaybsan yihiin.

Haddaba, marka la isku daro arrimahaas uu qoray wargayska Foreign Policy, hadalka Jeneraal Subxaanyo, ficillada dalalka faraha kula jira arrimaha Soomaaliya, qaabka ay xukuumadda Soomaaliya u wajahayso arrimaha amniga, iyo xaqiiqda ka jirta gudaha dalka, waxay intaba bixinayaan masawir fasiraya halka ay Soomaaliya maanta taagan tahay iyo meesha ay ku socoto.