Maqaal: Maxaa Lagu Maagay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda

Dawlada sii dumaysa madaxweyne Farmaajo xal ma u hayaa.? Gardaro cad ayaa xilka looga qaaday wasiirkii ugu shaqada badnaa wasaarada arimaha dibada ee Dawlada Faderaalka Mukhtaar Mahad Daa’uud Wuxuu xika ku waayey waxaad ka aqoon badan tahay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda C/qaadir Xaaji Axmed Kheyr ?

Arinkan xilma la isaga qaadi karaa halkaa ayey maraysaa dawladii aan ku amaanay Madaxweyne Farmaajo wax mus maasuqa oo uu galay ma jirto wasiir mukhtaar , shaqaalihii wasaarada arimaha dibada ee dawlada Faderaalka arinka way ka xumaadeen , gardarada lagu maagay wasiir koodii ugu shaqada badnaa. !

Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda arrimaha dibedda Mukhtaar Mahad Daa’uud falanqeynta aan hayno waa wax xaqiiqa oo xaqa farta ku fiiqaya xilka waa laga qaadi karaa wasiir ku xigeenka ee been lagama sheegi karo sumcadiisa looga xumeenayo! Wax aanuu shaqo ku lahayn.

Musuq maasuq ugu badan wuxuu ka dhex jiraa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka , xabsiyada , maxkamadaha iyo ciidanka Amisom oo hub kooda iibiya argagixisada wax ka hadlayaa waa wax jir, shacabka reer soomaaliyeed way og yihiin in xaalada musuq maasuq ee jirta.

Musuq maasuq weyn waxaa ah 5000$ ee Dawladu laaluush u siisay xildhibaanada arinkaa fadeexad ka weyn miyaa jirta Golaga Garsoorku arinkaa xukumada waxba kama weydiin ?

Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shaqadii looga joojiyay wasiir ku-xigeenkii wasaaradda arrimaha dibedda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wareegtada ra’iisal wasaaraha oo uu warbaahinta u akhriyay agaasimaha wasaarrada War-faafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa timid kaddib marun xoogan oo uu soo kala dhax-galay hanti-dhowrka guud iyo wasiir ku-xigeenka oo lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo lunse hanti dad-weyne.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku micneeyay tallaabada uu shaqada uga joojiyay wasiir ku-xigeenka in loo madax-bannaaneeyo hay’addaha sharciga howlahooda shaqo ee la xiriira baaritan kiiska wasiir ku-xigeenka.