VOA Somali

M/kuxigeenka Puntland oo ka hadlay shirkii kismaayo [DHAGEYSO]

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xaaji (Camey) ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo qodobbada qaar ee ka soo baxay shirkii madaxda maamul goboleedyada ee Kismaayo, gaar ahaan arrinta hakinta wada shaqeynta dowladda federaalka ee ay maamulladu ku dhawaaqeen.

Waxaa kale uu sheegay in qodobbada laga soo saaray shirka ay u muuqdeen in lagu deg degay, oo aan wada tashi lagala yeelan isaga.