Kulan Xasaasi ah oo u socda Xildhibaanada Galmudug

Magaalada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud waxaa ka socda kulamo Siyaasadeed oo ay leeyihiin xildhibaanada maamulka Galmudug kaas oo looga tashanayo mooshinka xildhibaano ka tirsan maamulkaas ay ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyoadaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.

Xildhibanada ayaa haatan waxa ay leeyihiin kulamo gaar gaar ah waxaana jira in kuwiiooshinka keenaya ay lu qancinayaan dhinaca kale in cod loo qaado mooshinka ka dhanka ah masuuliyiintaa in kasta oo dhinaca kalana ay sad u diidanyihiin.

Shalay ayay ahayd markii mudanayaal ka tirsan maamulka Galmudug ay shaaca ka qaadeen in ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Madaxweyne Ku xigeenka iyo Gudoomiyaha baarlamaanka in kasta oo eedyamahaas uu ka jawaabay Gudoomiyaha sheegayna in kuwa mooshinka wada aysan sharci Ku imaan.