Ka gaashaamo cadceeda kulul

Boy drinking water

Xiliyada lagu jro kuleylaha waxaa haboon in qofka uu ka gaashaanto fallaaraha kulul ee cadceeda wax yeesha wejiga iyo dhamaan jirka.

hadaba si aad uga gaashaamato qoraxda kuleeylkeeda  waxaan halkan kuugu soo gudbi doonnaa hababka ugu wanaagasan ee aad ula noolaan laheed kuleeylaha.

1-Isku day in aad joogto meel qaboow.

Hadii aad heli karto waxaa muhiim ah in aad joogto meel qabow ah ama hoos leh.

2-Xiro dhar fudud oo aan midab adag laheyn.

Xiliyada kuleeylaha waxaa haboon in la xirto dhar duntooda ay fududahay oo midabo furan leh sida midabka cadka ah iwm.

3- Isticmaal kareemada cadceeda difaaca.

Waxaad isticmaali kartaa kareemada lagu kalsoon yahay ee difaaca fallaaraha cadceeda, hadii aadan dooneynin kiimikida kareemada in aad isticmaasho waxaaad sameeysan kartaa kareem dabiici ah oo ka kooban liin dhanaanta iyo qolofkeeda oo la isku shiiday/ ridqay.

4- Qaado ookiyaalo madow.

Inta aadan bixin ka hor waa in aad hubisaa in aad sidato ookiyaale kaa celiya fallaaraha cadceeda, si indhahaaga ay uga nabad galaan kuleeylka.

6-Qaado biyo saafi ah.

Waxaa la ogyahay in xiliyada kuleylaha jirka uu waayo dareero fara badan oo u keeydsanaa, kuwaas oo u baxa dhidid ahaan kuleeylka jira awgiis, hadaba waxaa muhiim ah in aad gacanta ku wadato biyahaaga si aad uga badbaado af qaleeylka iyo haraadka.