Gantaal lagu weeraray garoonka Tripoli

Waxaa hakaday duullimaadyadii garoonka diyaaradaha keliya ee ka shaqeynaya caasimadda Liibiya, ee Tripoli, kaddib markii gantaal lagu garaacay.

Lama soo sheegin wax khasaaro ah ama burbur gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Mitiga, kaddib markii xalay la weeraray.

Garoonka ayaa waxaa dib loo furay Jimcihii, iyadoo ay daba socdeen isku dhacyo u dhexeeya maleeshiyaad iska soo horjeeda.

Dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ayaa ka talisa Tripoli, balse maleeshiyaadka ayaa haysta inta badan dalkaasi.

Weerarka madfaca ayaa ku qasbay duullimaadyadii Libyan Airlines ee ka soo baxayay magaalada Alexandria ee dalka Masar, inay u weecdaan Misrata, oo ilaa 200km (120 miles) dhanka bari kaga beegan caasimadda.

Duullimaadyada kale ayaa sidoo kale la weecin doonaa, waxaana warar la helay ay sheegayaan inay jiraan qorshooyin diyaaradaha kale ee ku sugan Tripoli loo wareejin doono Misrata.

Diyaaradda Libyan Airlines ayaa ah tan keliya ee shaqeysa, qaabilsanna duullimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah oo ay dalal kooban ku tagto. Waxaa laga mamnuucay garoomada Midowga Yurub sababo la xiriira ammaanka.