Fadlan badda xaggee loo maraa? Qeybtii ||

( Qeybtii Labaad qormo 1978 uu qorey Nuradin Faarax iftiiminaysana damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya )

Sannadkii 1878-kii Menilik oo ahaa boqorki Showa wuxuu waraaq u qoray madaxdii Faransiiska, Ingiriiska Talyaaniga iyo Jarmalka isagoo ka cabanayo in muslimiinti qabsadeen dhammaan dhul xeebeedkii iyo marinnadi muhiimka ahaa sida Babel Mandab, Xaafuun, iyo Saylac kuwaas caqabad ku noqday xabashidu inay helaan waxay uga baahnaayeen dunida kale.

Laakiin markaas ma uushan sheegan lahaanshaha xeebaha Xamar, Marko iyo Baraawe kuwaas oo ahaa kuwo ay aad u yaaqaanneen dhul-boobyadii adduunka oo dhan. Laga yaabo inuusanba waligiis maqal sida uu u maqlay Saylac, Tajuura iyo Xaafuun maadaama alaabo uga soo dageen marar hore.

Boqor Manilik hortiis qiyaasti rubuc qarni 1827-kii ayaa siyaasi Tigree ahaa oo aad loo yaqaannay magaciisuna ahaa Dajazmach Sebagadis Weldu ayaa waraaq u qoray Joorjkii 3aad ee Ingiriiska. Waraaqdaas wuxuu ku yiri dalkaygu wuxuu u baahan yahay inuu hub kala soo dago Masawa hubkuna gacanta reer Yurub kaliya ayuu ku jiraa.

Haa haddana hub ayuu codsanayaa loo soo mariyo Masawa oo ah Eritereeya Turkiduna gacanta ku hayeen. Wuxuu yiri Weldu Masawa kala soo wareega Turkida ka dibna aniga ayay horay iiga luntaye i siiya ama adinka gacanta noogu hayo.

Inkastoo Manelik hurdo ku riyooday markuu toosay riyadii run ma noqon waayo Masawa iyo Casab waxaa qabsaday Talyaani, Obaq iyo Tajuura waxaa qabsaday Faransiis, Saylac iyo Barbarana waxay gacanta u gashay Ingiriis. Arrintaas madax xanuun ayay ku noqotay Manilik.

Manilik waa ayaa ku baryay. Dadkii uu ku tashanayay ayaa qabsaday dhulkuu ii qabta lahaa. Bad kama uu maarmo, waa in uu helaa laakiin markaan farsamo kale ayay rabtaa. Wuxuu ku billaabay Faransiiska wuxuu u sheegay inuu rabo inuu siiyo Harar oo mararkaas ka qabsaday Soomaalida baddalkeedana uu Faransiisku bixiyo daket. Faransiisku ma aqbalin soo jeedintaas laakiin wuxuu u sheegay inuu hub badan ka iibin doono si uu meelo ugu qaraab tago.

Manilik oo muujinayo dalkiisa masiixiga ah dhibka haysto si uu beer jileec uga helo walaalihiisa Yurub wuxuu yiri inaan caro u baqtiyo ayaan ka baqayaa. Waxaan ahay nin isagoo xoog leh xabsi ku jiro. Waxaa la iga go’doomiyay waxaan heli lahaa oo hub ah. Faransiiska oo waqtigaas hubka faa’iido badan ku qabay ayaa Manelik ka iibiyay 24000 oo qoryo kala duwan ah.

Hubkaas ayaa siiyay gacanta sare. Wuxuu noqday ninka kaliya ee carrada baaruud ka haysto. Soomaalida iyo Canfarta oo ahaa muslimiinta kaliya ee ka hortagi kartay damaaciga Manelik waxaa laga ilaaliyey hub oo dhan waxaana laga dhigay sacabbooleey. Hadda waxaa is hortaagan Soomaali faro maran iyo Xabashi wadato hub iyo rasaas casri ah oo dhowr mitir wax ka dhisho.

Menilik waa xoogaystay. Talyaani waa iska dhiciyay, dhulkiisi waa ballaariyay, boqortooyooyinkii kale waa jabiyay dhulkoodina kiisa ayuu ku darsaday. Hadda waa boqor xoog badan dhul ballaaran qabsaday, awoodo badan muquuniyay sidaas darteed kibir iyo santaag ay u bannaan tahay. Laakiin wali bad ma hayo wuxuu ku tiirsan yahay Jabuuti oo Faransiis haysto. Waa inuu helaa bad uu isagu u madax bannaan yahay.

Dhinaca kale Yohhanas boqorki Tigree waa taagan yahay oo Manelik ma qabsan. Waa hammi weyn yahay bad inuu helo ayuu isna rabaa. Masawa Talyaani ayaa haysto. Wuxuu ku yiri Talyaani ma rabo inaan Masawa qunsilyad ka furto waxaan rabaa inaan Masawa helo. Haa nafteeda inaan gacanta ku dhigo mo ogiye wax kale ima anfacaan ayuu leeyahay.

Laakiin marki uu Yohhanas waraaq u qoray boqoraddi Ingiriiska sidaas uma cad caddo. Waa mid daggan oo is liidayo. Wuxuu ku baryo tagayaa magaca masiixiyadda isagoo leh waxaan ahay masiixi ay hareereeyeen muslin cawaan ah. Nasiib daaro reer Yurub baryada uu badda ku doonayo Yohhannas qadyaan ayay ka istaageen dhagaha ayayna ka furaysteen.

Dhinaca kale, Yohannas iyo Manelik waxaa isugu dhiman dagaal. Wali ma kala bixin. Talyaanigu wuxuu rabaa inuu iyaga isku jabiyo. Wuxuu usoo bandhigay Manilik inuu siinayo shan kun oo qori bishardi inuu ku duulayo Yohannas. Waxay ku heshiiyeen in Yohannas lagu duulo dhulkisana ay kala goostaan.

Qaybtaan aan ku xirno Manilik oo ku leh reer Yurub haddii aan Tujuura badda xageeda ka qabsan waayay iguma cusla inaan dhinaca barriga ka qabsado laakiin waxaan rajaynayaa in walaalaha Yurub ee ilbaxa ii caddaalad samayn doonaan na qancin doonaanna intii aan isku dhici lahayn. Wax yar ka dib isla waraaqdaas wuxuu ku yiri waxaan rajaynayaa in aysan caruurta Muxammed (muslimiinta) dumin doonin taajkayga. isagoo sii wado calaacal iyo codsina u dirayo reer Yurub wuxuu yiri haddii aad tihiin kuwa dhab u ilaaliyo masiixiyadda maanta ayay idiin baahan tahay oo la idin kala ogaan.

Markii la soo gaaray qaybsigii qaaradda Afrika ay reer Yurub ku qaybsadeen dhul waynihii dadka madow, Itoobiya dhinaceeda ayay qaybta ka gashay waxaana xubin loo siiyay dhulki Soomaaliyeed ee ilaa maanta ay haysato. Laakiin taasi nasiib xumadiisa bad kuma jirin walina baahidii badda ma dhammaan. Markaas ayuu hungurigii sii waynaaday una hanqal taagay dhul uusan waligiis ku hammin ilaa uu sheegtay Khartuum oo Suudaan ah iyo qaybo ka mid ah Yugaandha ilaa bariga Afrika.

Sannadkii 1891-kii wuxuu qoray Menelik waaraaq kale oo caan noqotay kuna socotay dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Ruushka. Waxaa xusid mudan inuu markaan is baddalay codkiisu waayo wuxuu noqday nin kale codsigiisuna wuxuu ka turjumayaa ninka uu yahay.

Waraaqdaan wuxuu ku caddeeyay meelaha uu rabo inay noqdaan xudduudaha Itoobiya. Wuxuu yiri: Itoobiya waxay boqollaal sano ku dhex taallay muslimiin cawaan ah. Xuduudaheennu waxay ahaayeen xeebo. Xeebahayagi waxaa qabsaday muslimiin.

Wuxuu yiri xudduudaha Itoobiya waxay ahaayeen badda. Goorma ayay ahayd? baddee ayay ahayd? Goormayse muslimiintu qabsadeen xeebihii Itoobiya lahayd? Wuxuu yiri isagoo sii wado waraaqdiisi hadda ma doonayno inaan dib u qabsanno xuddadaheeni hore innaagoo xoog adeegsanayno balse waxaan rabnaa in walaalaheenna kirishtaanka ah ay noo soo gacan galiyaan furimihii aan lahayn si xuddeedkeeninu meeshiisi hore uu gaaro. Hadduu Eebbe xoog na siiyo waxaan Itoobiya gaarsiin doonaa xuddeedaheedi hore ilaa Khartuum, Lakta Nyanza dhulka Oromada oo dhanna uu ku jiro.

Ilaa laga soo gaaray geeridii Menelik arrimihu wax badan kuma kala duwanayn ilaa laga soo gaaray xukunkii Xayle Salaase. Xayle wuxuu caddeeyay inuu yahay xariif waqtiga kaga faa’iidaysan yaqaan danihiisa siyaasadeed. Waa kan isagoo 1948-kii ka hor hadlayo Qaramada Midoobay: Intii aysan reer Yurub kala jarjarin qaaradda Afrika Itoobiya waxay lahayd xeebo dhaadheer oo badda Cas iyo midda Hindiyaba leh. 15-kii sano ee u danbaysay qarnigii sagaal iyo tobnaad ayay Itoobiya waysay baddeedi Eritariyaanka iyo Soomaaliduna qaateen. Tillaabadi ugu horraysay qaadashadaan waxay ahayd in Talyaanigu qabsaday Masawa [Eritareeya] 1885-kii iyo xeebaha Banaadir ilaa ugu danbaynti uu wada qabsaday koonfurta Soomaaliya.

Xayle Salaase wuxuu meesha ka saaray sheegashadi Khartuun iyo Lakta Nyanza wuxuu kusoo koobay dhulka Soomaalida. Sidoo kale, kuwii hore waxay sheeganayeen in dhowr oo boqol oo sano ka hor dhulka ay muslimiintu ka qabsadeen laakiin isagu wuxuu eedda dusha ka saaray Talyaani, waqti yar ka horna inuu dhulkaan isagu lahaa ayuu ku doodayaa. Wuxuu sidoo kale baddalay luuqadi ay ku hadli jireen kuwii ka horeeyay ee ahaa habar wacashada diinta. Maadaama Qaramada midoobay lagu saleeyay cilmaaniyad wuxuu ogaa in diin cidna, ugu yaraan, si muuqato ugu taageeri doonin.

Markii uu isku daygaas ku guul darraystay una caddaatay in Qaramada Middoobay aysan Soomaaliya siin karin wuxuu arrinti u weeciyay Eritareeya oo yiri Eritareeya waa in Itoobiya la siiyaa. Sida uu Mangiiste ka yiri shir jaraa’id waqtigii uu xukunka hayay 1970-aadki dagaalka xeebahu wuxuu socon laakiin ciyaartooyda ayaa is badbadali. Sheegashada Itoobiya iyo damaacigeeda ku saabsan inay qayb ka helaan badda Soomaaliyana wuu jiri doonaa.

Anna waxaan iri, Ibrahim ah, Soomaalidu sidii waqtigii gacmaha laga xiray, hubki laga ilaaliyay adduunkoo dhanna isugu tagay iyadoo waliba gumaysi jiray ay isu difaacday badaheedana loo qabsan waayay ayay ilaa qiyaamaha is difaaci doontaa dhulkeedana aan taako laga qaadan doonin Insha allah.

Maqaalkan waxaa af ingiriis lagu qoray dhammaadkii 1978-kii.

Qalinkii: Qoraaga heer caalami Nuradin Faarax.

Waxaa Turjumay: Ibrahim Aden Shire.

Tixraaca English: Hiraan.com

Tixraaca Somali: Abdulahi Nur Colombo