Fadlan badda xaggee loo maraa? Qeybta |

( Qormo 1978 uu qorey Nuradin faarax iftiiminaysana damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya iyo Qeybtii koowaad ) 

Boqollaal sano ayaa lagu dirirayay Soomaaliya iyo hanashada baddeeda. Qarniyaal badan ayay quwadaha adduunku kusoo duulayeen Soomaaliya, qabsanayeen dhulkeeda dadkeedana gumaysanayeen. Khilaafadii Cuthmaaniyiinta, Khedifkii Masar ee wakiilka u ahaa Cuthmaaniyiinta kasoo qabsaday Soomaaliya oo dhan ilaa Eritareeya, Boortiqiiska, Faransiiska, Talyaaniga, Ingriiska, Ma jiro gumayste adduunka soo maray oo aanan Soomaaliya cagta galin. Maxay rabeen gumaystayaashaan oo Soomaaliya iyo siyaasaddeeeda u walaaqeen ilaa maanta lugaha ugala jiraan?

Mugdiga waxaa ka muuqdo humaalka, Boqoradii hore ee Itoobiya kalana ahaa Yohannis, Menelik iyo Haile Selassie.

Waa ay cod jilicsan yihiin aad ayayna u taxaddarayaan iyagoo gaagaatamayo. Hadda waxaad la kulmaysaa Menelik oo taagan irridda boqorrada Yurub. Waxaad arkaysaa iyagoo guddonsiinayo hub iyo baaruud aad u badan. Bal aan yara nasanno su’aalna aan is waydiinno.

Dagaalka maanta ka jiro geeska Afrika miyuu aad uga duwan yahay kuwii hore ee quwadaha adduunku ku loolamayeen hanashada Geeska Afrika?

Aan soo jeediyo in boqorradi Itoobiya ay muska ka soo baxaan naftoodana u hadlaan, annaguna aan daawanno oo aan dhagaysanno iyagoo isburinayo. Laakiin inta aannan istaagin meel aan ku iftiimin karno isbanaabarka boqorrada xabishada, Soomaaliya gar ma u leedahay inay ka cabsato in Itoobiya oo ay taageerayaan quwado shisheeyo ay ku duusho xeebaheedana qabsato.

Haddii si kale loo dhigo, Itoobiya waligeed ma sheegatay lahaanshaha xeebaha Soomaaliya, mase jirtaa sabab looga shakin karo in Itoobiya ay damaaci ka qabto qabsashada xeebaha Soomaaliya? Itoobiya waqti dhow iyo mid dheerba ma isku dayday inay kaalmaysato dowlado kale si ay u qabsato xeebo dalal kale leeyihiin? Waligeed may qorshaysay inay ka faa’iidaysato duruufaha waqtigaas taagan si ay qayb uga hesho xeebaha Soomaaliya? Si aan uga jawaabo su’aalahaan waxaan u oggolaan madaxda Itoobiya inay iyagu isu hadlaan afkoodana ku sheegaan jiritaanka arrimahaas.

Showa waa goob yaraanteedu la egtahay midda taallada boqorkeeda. Boqor bidhaan ahaan yar laakiin hammi fog leh damaacigiisuna aysan waxba xaddidin. Showa qarniyo badan waxay ahayd meel go’doon ah, dhexdana ugu jirto dhulka sare ee buuralayda ah. Waxaa hareereeyay boqortooyadi Gondor, Gojam iyo Tigre. Waxaa dhex mari jiray daggaallo umulo doox ah kuwaas oo ruxay seeska boqortooyadaas.

Taariikhdu waxay bartay boqorradii boqortooyooyinkaas dhowr shay: In qofki haysto taageerada reer Yurub iyo baaruud uu had iyo jeer leeyahay gacanta sare. Yohannis oo ahaa boqorki Tigre ayaa tusaale u ah middaas. Boqortooyadiisa waqti ayay ahayd midda carrada ugu xoogga badan waayo waxay hub iyo saanad ciidan ka helaysay boqortooyadii Ingriiska iyadoo uga baddalatay adeeg iyo ballaan qaad ahaa inuu siin doono jid uu u maro badda.

Laakiin badda uu ballan qaadayo waxaa had iyo goor haystay dad kale ama quwado kale oo qabsaday Soomaalidi iyo Canfarti baddaas lahayd. Waxaan xusaynaa in boqorradii Abbasiiniya ay badbadali jireen istiraatijadda ay wax ku doonayeen, codka ay ku hadlayeen iyo codsigooda ilaa ay mararka qaar gar iyo lowyaha qabsanayeen kuwa ay wax ka rabaan.

Waxaan maqlaynaa, tusaale ahaan, iyagoo raadinayo midnimada masiixiyiinta reer Yurub markii ay Turkida iyo Masaaridu gacanta ku hayeen xeebaha badda Cas. Ka dib waxaan maqlaynaa iyagoo jeedinayo sheegasho aan sal lahayn taaso ah lahaanshaha xeebaha Soomaaliya markii ay gumaystihii reer Yurub ka caajiyeen isticmaalka badda Soomaaliya. Menelik iyo Yohannis waxay ogaayeen in hadba cidda marriin u hesho xeebaha ay tahay cidda heli karto hub sidaasna ay noqonayso midda qabsato xeebahaas ugu danbayn.

Yohannis iyo Manelik waxay sameeyeen wax walba oo suuragal ahaa oo ay ku heli kareen marriin badeed. Xagga sare waxaa fadhiyo madaxda reer Yurub oo kala taageero maamulladi ka jiray Abbasiiniya oo marba mid hubeeyo si uu kan kale u jilciyo iyagoon la tashan dadka kuwaas ay xoogga ku haysteen iyo sidoo kalana hub ka ilaaliyay dadyowgi (Soomaalida) ay duullaanka ku ahaayeen.

Ha noqdo amiirkii Tigre, kii Showa ama mid sheegtay imbiridooriyad, waxay dhammaan u ciil qabeen inay qayb ka helaan xeebaha Bariga Afrika. Haddii ay Yuribiyaanku yara hilmaamaan, xabashidu waxay si buuxdo usoo bandhigi saliibka si ay u muujiyeen qaraabanimada kala dhaxayso Yurub.

Haddaan ku billaabo xigasho Manelik waxuu yiri “Waddankaygu wuu ka fogyahay kiinna. Marriinkayga Zaylac, Tajura iyo Cadan waxaa haysto muslimiin. Waxay hortaagan yihiin cunnadi, hubki, farshaxanki, agabka beeraha iyo xataa farriinsidaha Baybalka ee waddankayga imaan lahaa. Si xushmad leh ma ka hadli kartaa arrintaan adigoo isticmaaalyo awooddaada si jidkaan la iigu furo. Dalkaygu wuxuu u xiiso qabaa inuu qaato ilbaxnimada, aqoonta iyo farshaxanka reer Yurub”.

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee qormadan la soco beri qeybta labaad insha allah.
Maqaalkan waxaa la qoray dhammaadkii 1978-kii.

Qalinkii: Qoraaga heer caalami Nuradin Faarax.
Waxaa Turjumay: Ibrahim Aden Shire.

Tixraaca English: Hiraan.com

Tixraaca Somali: Abdulahi Nur Colombo