Faaiidooyinka Timirta & Caanaha

Timirta oo lagu cabo caano dabiici ah waxa ay leeyihiin waxtar weyn oo qofkii si joogta ah u isticmaalo uu dareemayo.

Timirta iyo caanaha waa sida lamaanaha oo kale midba midka kale ayuu dhammeystiraa, waxyaabaha timirta ay hodanka ku tahay caanaha waa ay ku yaryihiin waxyaabaha ay caanaha hodanka ku yihiin timirta waa ay ku yaryihiin, tusaale madada (iron)  ee timirta ay hodonka ku tahay caanaha waa ay ku liitaan.

Hadaba caanaha iyo timirta oo la isku cuno waxa ay u dhigmaan cunno dhameystiran oo qofka ku filan.

Sidoo kale timirta waxa ay ka hor tag u tahay wax yaabaha sababa cudurka halista ah ee kansarka waxaan howshaas ka saacidaya canaasirta kala ah Magnisium iyo fosfor  ee ay qaniga ku yihiin timirta & caanaha.

 

Timirta gaar ahaan waxay hodan ku tahay madada botasiyum ka iyo sokorta dabiiciga ah taas oo xoojineysa jirka sidoo kale timirta waxay la dagaalantaa cudurka dhiig yarida.

Hadii hooyada umusha ah aad ka dareento caano yari waxa ugu fiican ee badiya caanaha waa in hooyada umusha ah lagu quudiyo caano iyo timir kuwaas oo ku dhiiro gelinaya hormonada in naaska hooyada ay soo galaan caano ku filan dhalaanka.

sidoo kale timirta iyo caanaha waxaa aad loogu talinayaa in la baro caruurta yar yar oo si joogta ahna loo siiyo ayada oo la eegayo faaidooyinka tirada badan ee uu ka helayo jirka caruurta sida dheebshiidka caruurta oo timirta iyo caanahu ay jilciyaan waxayna ka ilaaliyaan in caloosha caruurta ay adkaato, sidoo kale waxa ay kaalin ka qaataan koriinka jirka caruurta, waxaa ayadana muhiim ah in la xuso in timirta iyo caanaha oo dhalaanka la is ku siiyo ay ka caawineyso in ay ka dejiso cuncunka ciridka xiliga ay ilmaha yar yar u soo dhashaan ilkaha.

Dhamaadkii  timirta iyo caanaha waxa ay leeyihiin faaidooyin badan  oo aan lagu soo koobi karin hal qormo, waxaana muhiim ah in aan ka wada faaiideysano cuntooyinka dabiiciga ah ee  aan uga maarmi karno daawooyinka kiimikida ah.