Dilalka oo kusoo badanaya Koonfur Afrika

Tirakoob dhanka dambiyada ah oo ay soo saareen Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa daaha ka qaaday in dad gaaraya 57 qof celcelis ahaan lagu dilo dalkaas maalin kasta.

Waxyaabaha ugu badan ee ka qayb qaata in falal dambiyeedyadu ay kordhaan ayaa waxaa kamid ah dhacdooyin aargoosi ah oo ay ku lug leeyihiin kooxo burcad ah iyo dilal siyaasadeed.

Haddaba si aan arrintaas xog dheeri ah uga helno waxaan khadka teeloofoonka ku waraysannnay Caamir Sheekh Xuseen oo ku sugan magaalada Johannesburg ee dalka koonfur Afrika.