Ballan sharafeed

Annaga oo eegayna xeerarka caalamiga ah ee saxaafada iyo kan heer qaran ee dalka, shabakada ILO News waxay ku dhaqmaysaa ballan sharafeed u gaar ah ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Press code) kaas oo noqonaya mid u dhaxeeya shabakadda iyo dadweynaha ku tixan.

Qodobada ballan sharafeedka shabakada ILO News

1– In shabakada ILO News ay ahaato warbaahin madax banaan oo aan ka gaban runta iyo tebinta xaqiiqada dhabta ah.

2– Tabinta warar hufan oo dhexdhexaad ah kuna salaysan runta iyo xaqiiqda.

3-Ilaalinta diinta islaamka iyo dhaqanka toosan ee dadkeena iyo qarannimda dalkeena.

4– Baraxtirnaan aan wax mugdi ah ku jirin, anaga oo la wadaagi doona bulshadeena xaalad kasta oo nala soo gudboonaato.

5– Xoriyatul qowlka qofka waa mid dhowran, hadii uusan ku xadgudbin diinta iyo dhaqanka suuban iyo qarannimda dalka.

6– Waxaan dhowreynaa xuquuqda hal abuurka, anaga oo aan haba yaraatee warbaahinteena aan laga adeegsan karin halabuur qof kale uu leeyahay ayada oo aan laga heysan ogalaasho ama aan loo tiirin qofkii lahaay.

7– Tebinta aragtiyada is diidan ayada oo aan loo kala eexaneynin.

8– Ixtiraamka dadweynaha kalsoonida na siiyay ee nagu tixan, anaga oo ugu adeegi doona bulshadeena si hagar la’ aan ah. si ay u helaan warar lagu kalsoon yahay.

9– Saxitaanka khaladka isla marka uu dhaco iyo raali gelin in aan ka bixin doono isla marka uu dhaco.

10– Ma soo tebin doono waxyaabaha aan ku habooneyn aragga guud sida wejiyada meydadka iyo dhaawacyada aadka u liita, anaga oo ilaalineyna ehelada dhibanayaashaas, sidoo kale ma soo tabein doono waxa anshaxa bulshada ka fog sida sawirada qaawnida, qamriga iyo jaadka iyo sigaarka iyo balwada qeybaheeda oo dhan.