Aqalka sare oo war ka soo saaray khilaafka dowladda iyo Maamul gobaleedyada [Sawirro]

Kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaanada aqalka sare ayay ugu hadleen arimo badan oo ay ka mid ahaayeen khilaafka dowladda iyo maul gobaleedyada.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka

Guddigu isaga oo tixraacaya go’aannadii ka soo baxay kulankii 16aad ee September 10, 2018 waxa uu guddoonsaday in uu wufuud u kala diro dhammaan Dowlad Goboleedyada; si ay ugu kuurgalaan, warbixin dhab ahna uga keenaan xaaladda amni, siyaasadeed, nololeed iyo midda federaaleynta Dalka si xal looga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka hadda ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

2. Si wufuuda Aqalka Sare u dirayo dhammaan Dowlad Goboleedyada u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah loogana miro dhaliyo xal u helida khilaafka iyo ismaandhaafka taagan, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu baaq u dirayaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh abaabulka iyo sameynta soojeedinada (Motions) ka dhanka ah Madaxda kala duwan ee Dowlad Goboleedyada in ay si deg deg ah u joojiyaan iyaga oo fursad siinaya dadaalka xaldoon ee Golaha Aqalka Sare uu ku raadinayo xasilooni siyaasadeed iyo is faham guud.

3. Waxa uu Aqalka Sare ku boorinayaa mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay joojiyaan kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan.

4. Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu ka codsanayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dadaallada dastuuriga ah ee Aqalka Sare ku raadinayo xal laga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda taagan.

  1. – DHAMMAAD –