Annaga-ILO News

annaga-ilonews,

ilonews.net  Waa warbaahin dhex-dhexaad ah oo u adeegta bulshada soomaaliyeed, si ay u helaan warar lagu kalsoon yahay oo ay dano kale ka dambeyn, ama aan ka tarjumeynin maslaxad iyo aragtiyo gaar ah.

Shabakada ILO News waxaa u degsan Ballan sharafeed , sidoo kale shabakada waxaa astaan u ah ( dhex-dhexaadnimo & baraxtirnaan) taas oo aan aamin sannahay in annaga iyo bulshadeenna ay naga dhex abuuri karto kalsooni waarta.

Anaga oo rumeysan in kalsoonidu ay tahay raasu-maalka dhabta ah ee shabakada ILO News.

Aragtideena

Aragtida dhow ee ILO News waa in aan qeybteena ka qaadanaa kobcintna Maanka bulshada, anaga oo u soo tebin doonna barnaamijyo wax ku ool ah oo ka dhisaya xagga fikirka iyo falanqeynta iyo baarista xogaha dalkeenna, gobolka iyo waliba dunida kale.

Sidoo kale aragtideenna waxa ay tahay in afka soomaaliga la xoojiyo oo kaalin teena aan ka qaadanno in af soomaaligu uu noqdo luqad ka dhisan dhan walba, ayada oo aan xil iska saari doonno in aan soo tarjunno xogaha iyo daraasaadka ay sameeyaan hey’adaha waaweyn ee saxaafadda iyo cilmi baarista, si muwaadinka soomaaliyeed uu afkiisa uga bogto xogahaas.

Yoolkeena

Yoolka shabakada ILO News waa in la helo warbaahin daacad u ah bulshada, kana fog musuqa, eexda iyo marin habaabinta bulshada, waxaan rumeysannahay oo yool noo ah in saxaafadda xorta ah ay kaalin weyn ka qaadan karto dib u dhiska dalka & dadka soomaaliyeed, ayada oo la adeegsanayo warbaahinta qeybaheeda kala duwan, si loo wacyi geliyo bulshada soomaaliyeed.

annaga-ilonews, annaga-ilonews, annaga-ilonews, annaga-ilonews, annaga-ilonews,